Waxaan cusbooneysiineynaa macluumaadka ku qoran bogga internetka ee ku saabsan sharciyada cusub ee NDIS.
Horumarinta NDIS
Waxaan horumar ku sameynaynaa habka aan u bixino NDIS-ta.
Waxaa jiri doona isbeddelo lagu sameynayo:
- Waxa NDIS ay maalgelin karto
- Qaabka aad u soo codsaneyso NDIS-ta.
- Qaabka loo sameynayo qorshahaaga.
- Qaabka isbeddel loogu sameynayo qorshahaaga.
- Diiwaangelinta howl-wadeenada qorshahaaga.
Waxa NDIS ay maalgelin karto
Waxaa jiray isbedelo lagu sameeyay sharciyada NDIS. Waxaa jira qeexitaan cusub oo ku saabsan taageerada NDIS iyo adeegyada, alaabada iyo qalabka ay maalgalin karto NDIS.
Markaad hesho maalgelin qorshahaaga, waa in lagu isticmaalo taageerada NDIS.
Taageerada NDIS:
- waa mid la xiriirtaa naafonimadaada iyo naafada aad wax u heshay
- waxa kaliya oo loo isticmaali karaa adeegyada, alaabta iyo qalabka ay maal galin karto NDIS.
Macluumaad intaas ka badan booqo maxay NDIS maalgelisaa?
Samaynta xiriiro
NDIS waxay taageeri kartaa dadka naafada ah, xitaa haddii aysan ahayn ka-qaybgale NDIS.
Haddii ay da'daadu tahay inta u dhaxaysa 9 iyo 64, waxaanu kugu xidhi karnaa adeegyada iyo taageerada bulshadaada. Waxaan tan ugu yeernaa isku xirka bulshada.
Haddii aad ugu baahan tahay taageero ilmo ka yar 9, waxaan ku siin karnaa isku xirka hore . Haddii aad tahay 65 ama ka weyn, waxaanu ku siin karnaa macluumaadka adeegyada daryeelka dadka da'da ah ee ku taageeri kara.
Si aad u heshid isku xirka bulshada ama isku xirka hore waxaad:
- La hadal qof jooga xafiiska NDIS-ta.
- Naga soo wac 1800 800 110.
- Ka wac Adeegga Fasiraada iyo Turjumaada 131 450 oo usheeg inay kula hadal siiyaan NDIS.
Macluumaad intaas ka badan booqo samaynta isku xidhka.
Codsashada NDIS-ta
Habka aad u codsanayso NDIS waa la bedeli doonaa.
Haddii aad u qalanto NDIS, waxaanu kaa caawin doonaa inaad codsato NDIS.
Si aad u codsato NDIS, waxaad u baahan doontaa 'Xiriirkayga NDIS (‘my NDIS contact'). Xiriirkaaga NDIS waa xidhiidhka ugu weyn ee adiga iyo qoyskaaga aad ku lahaan kartaan NDIS-ta.
Waxay:
- Ku siinayaan macluumaadka ku saabsan NDIS.
- Kaa caawimayaan inaad fahamto waxa ay yihiin taageerooyinka aad heli karto.
- Kaa taageeri doonaan si aad u codsato NDIS.
Xiriirkaaga NDIS wuxuu noqon karaa la-howlgale NDIS ama xubin shaqaale ah oo ka tirsan Hay'adda Caymiska Naafada Qaranka (National Disability Insurance Agency - NDIA).
La-hawlgalayaasha NDIS waa:
Wada-hawlgalayaasha carruurnimada hore ee caawiya carruurta ka yar 9.
Isku-duwayaasha degaanka ee caawiya dadka naafada ah ee da'doodu u dhaxayso 9 ilaa 64.
Xiriirkaaga NDIS wuxuu noqon doonaa qof jooga NDIA haddii:
- Aad ku nooshahay meel tuulo ah oo Australia ah.
- Aad leedahay baahiyo taageero kala duwan.
- Aad tahay qof dhalinyaro ah oo ku jira daryeelka dadka da'da ah.
- Aad ku jirto isbitaal ama goobta cadaalada.
Markaad codsato NDIS ka dib, waxaanu kula soo xidhiidhi doonaa 21 maalmood gudahood si aanu kuu ogeysiino go'aankayaga. Waxa kale oo laga yaabaa inaan ku waydiino macluumaad dheeraad ah.
Haddii aadu qalanto, waxaadnoqonaysaa ka-qaybgale NDIS. Waxaan u isticmaali doonaa macluumaadka aad ku wadaagtay codsigaaga si aan u horumarino qorshahaaga NDIS ee ugu horreeya.
Haddii aadan u qalmin, waan kuu sharxi doonaa sababta. La-howlgalahaaga NDIS-ta ayaa kaa caawin doona inay kugu xiraan taageerooyinka bulshadaada.
Si aad xiriir ula sameyso adeegyada iyo taageerada bulshadaada, ama aad u codsato NDIS, waxaad:
- La hadli kartaa qof jooga xafiiska NDIS-ta.
- Naga soo wac 1800 800 110.
- Ka wac Adeegga Fasiraada iyo Turjumaada 131 450 oo usheeg inay kula hadal siiyaan NDIS.
Wixii macluumaad dheeraad ah booqo codso NDIS.
Sameynta qorshahaaga
Markaad noqoto ka qaybqaataha NDIS waxaad heli doontaa qorshaha NDIS.
Qorshaha NDIS waa dukumeenti ka kooban macluumaad ku saabsan:
Adiga iyo yoolalkaaga.
Taageerada aad u baahan tahay.
Wixii taageera ah oo ay NDIS-ku bixin doonaan qarashaadkooda.
Waxaa lagugu martiqaadi doonaa kulan qorshe ah oo lala yeelanayo qorsheeye ka socda NDIA oo soo diyaariyay qorshahaaga.
Qorsheeyaha NDIA waa qof:
- Ka shaqeeya NDIA.
- Wuxuu sameeyaa qorshayaal cusub oo NDIS ah.
- Wuxuu isbeddelaa qorshayaasha NDIS.
- Wuxuu diyaariya miisaaniyada qorshaha NDIS.
Kulanka qorshahaaga, qorsheeyahaaga NDIA ayaa kaala hadli doona:
- Miisaaniyadda qorshahaaga iyo taageeradaada.
- Go'aamadii ay ka gaareen qorshahaaga.
- Sida aad rabto inaad u maamusho qorshahaaga.
- Diiwaangelinta howl-wadeenada qorshahaaga.
Isbeddel kasta oo aad u malaynayso in qorshahaagu u baahan yahay.
Waxaan kuu soo diri doonaa koobiga qorshahaaga NDIS. Waxaad isticmaali kartaa boggayga ka qaybqaataha NDIS iyo app-ka NDIS si aad u eegto qorshahaaga.
Haddii aadan qorshe ku lahayn nidaamkayaga kumbuyuutarka ee cusub, waa inaad sii wadataa isticmaalka bogga ka qaybqaataha myplace si aad u sameyso sheegashooyin lacag bixin ah.
Xiriirkaaga NDIS waa qofka ugu fiican ee lala hadlo haddii aad:
- Su'aalo qabto.
- Aad baahan tahay taageero markaad la hadleyso NDIS.
Waxaad ka heli kartaa faahfaahintooda xiriirka qorshahaaga.
Haddii aad dhaqaale ku leedahay qorshahaaga isku-duwidda taageerada (support coordination) ama adeegyada tababaraha soo kabashada (recovery coach services), waxaad ka heli kartaa caawimo si aad u isticmaasho qorshahaaga:
- Isku duwaha taageerada - waa qof kaa caawinaya inaad qorsheysato oo isticmaasho taageeradaada.
- Tababaraha soo kabashada - qof kaa taageera caafimaadka dhimirka.
Marka aad hesho qorshahaaga NDIS-ta ka dib, xidhiidhkaaga NDIS waxa uu kuusoo bandhigi doonaa kulanka fulinta qorshaha si uu kaaga caawiyo isticmaalka qorshahaaga.
Xiriiriyahaaga NDIS wuxuu kula soo xiriiri doonaa sannadkii hal mar si uu kuu weydiiyo meesha ay wax kuu marayaan qorshahaaga.
Wixii macluumaad dheeraad ah booqo oo website-kayaga faham qorshahaaga iyo isticmaalida qorshahaaga qeybaha uu ka kooban yahay ee mareegtadeena.
Beddelida qorshahaaga
Haddii nolashaada ay wax iska bedelaan oo ay micneheedu tahay inaad u baahan tahay taageero badan, yar ama ka duwan, waxaad waqti kasta codsan kartaa in qorshahaaga wax laga bedelo.
Waxaa jira laba siyaabood oo aad ku bedeli karto qorshahaaga – kala duwanaanshaha qorshaha (a plan variation) ama dib u qiimaynta qorshaha.
Kala duwanaanshiyaha qorshaha (plan variation) waa isbedel yar oo ku yimaada qorshahaaga hadda. Dib-u-qiimaynta qorshaha waa marka aan qorshahaaga ku bedelno mid cusub.
Xiriiriyahaaga NDIS, iskuduwaha taageerada ama tababaraha soo kabashada ayaa kuu sharxi kara macluumaadka iyo caddaynta aan u baahanahay si aan u go'aansano isbeddelka qorshahaaga.
Wixii macluumaad dheeraad ah booqo bedelida qorshahaaga.
Adeeg bixiyayaashayda (My providers)
Qorshahaaga cusub ee NDIS ma lahaan doono ballan adeeg.
Haddii aad leedahay maalgelin ay NDIA maamusho (NDIA-managed funding), taageerooyinka guriga iyo nolosha ama taageerada dabeecadda, waxaad u baahan tahay inaad noo sheegto howlwadeenada bixiya taageeradaada si aanu ugu qorno qorshahaaga.
Waxaan ugu yeernaa howl-wadeenada ku diiwaangashan qorshahaaga ' howl-wadeenadayda (my providers)'. Howlwadeenada qorshahaaga ayaa samayn kara dacwado ka dhan ah qorshahaaga NDIS markay bixiyaan taageeradaada.
Diiwaangelinta howl-wadeenada qorshahaaga waxay la macno tahay in aanaan kaa hubin doonin markaan lacagta siinayno.
Waad cusbooneysiin kartaa ama bedeli kartaa adeeg bixiyayaashaada wakhti kasta.
Wixii macluumaad dheeraad ah booqo howl-wadeenadayda .
La xidhiidh NDIS
Si aad u hesho qof qoraalka kuu fasira ama hadalka kuu turjuma oo lacag la'aan ah wac 131 450 oo usheeg inay kula hadalsiiyaan NDIS.
Xiriiriyahaaga NDIS wuxuu kaloo kuu diyaarin karaa turjubaan marka ay kula kulmayaan ama kula hadlayaan.
Howl-wadeenkaaga waxa kale oo laga yaabaa inuu kuu qabanqaabiyo turjubaan markaad la kulmayso ama la hadlaysid.
Waxaad sidoo kale booqan kartaa xafiiska NDIS oo aad waydiisan karto inaad la hadasho turjubaan. Kasoo ogow meesha xafiiska NDIS kuugu dhow uu ku yaallo website keena NDIS-ta.
Akhris Fudud
Macluumaadka ku saabsan NDIS ayaa sidoo kale loo fasiray qaab ah Akhris Fudud. Dad badan ayaa faaiido u arka macluumaadka sida fudud loo akhrin karo, dadkaas oo ay ku jiraan dadka ay ku adag tahay akhrinta Ingiriiska.
Tag bogga buug-yaraha iyo xaashida xaqiiqda ee NDIS si aad u aragto waxa ku jira Akhriska Fudud.
Soo deji sharciyada su'aalaha, cabashooyinka iyo ra'yi wadaagista:
- Sharciyada su'aalaha, cabashooyinka iyo ra'yi wadaagista (PDF 21KB)
- Wax weydiimaha, cabashooyinka iyo ra'yi wadaagista (DOCX 2.4MB)